1:- waa maxay jacayl ?
jacayl waa dareen xanbaarsan guur xalaal ah iyo wada noolaansho raxmo leh oo aan marna lays saluugayn.
2:- waa maxay kalsooni?
sidaan filaayo kalsooni waa lawada garanayaa waa ta isku keenta laba qof waana tan kugu dhiiri gelisa in aad ruux la sameysid xidhiidh jacayl naftaadana ku aamintid.
3:- waa maxay xishood?
xishoodku waa shay aad u wanaagsan badanaan qofka xishooda wuu ka dhex muuqdaa dadka kale hadii aan isku dayo inaan ka jawaabo kelmada xishood waa sida tan:-
xishood waa ka sababa in wiilka ama gabadhu sameeyaan jacayl dhab aha waayo dadka qofba qofkuu ka xishood badan yahay ayuu ka heli ogyahay jacaylka dhabta ah iyo nolol wanaagsan.
4:- Maxay dhalin yarada is jeceli u yidhaahdaan la'aantaa ma noolaan karo?
waxay u yiraahdaan si jacaylkoodu dhadhan iyo daneyn u sii yeesho qofka uu jecelyahayna aanu ka xiiso go'in.
5:- ma marka ka helitaanku yimaado ayuu jacaylku yimaadaa mise marka jacaylku yimaado ayuu ka helitaankuna yimaadaa ?
su aaashan sidaan filayo waa lawada garanayaa waayo marka ka helitaanku yimaado ayuu jacaylkuna yimaadaa soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa waxay indho arkaan ayey ilko gooyaan.
6: waa maxay dhibaatooyinka lagala kulmo jacaylka?
dhibaatooyinka lagala kulmo jacaylku maaha wax aynu halkan ku soo koobi karno waxaa tusaale wanaagsan inoogu filan dhaawaca soo gaadha lamaanayaasha is jecel marka ay ku midoobi waaayaan nolosha.
7:- dadka ma ku waanin lahayd in ay jacayl dhab ah sameeyaan?
haa waan ku waanin lahaa sababtoo ah qof walba wuxuu jecel yahay in uu aabe/hooyo noqdo waxaana lagu gaari karaa in hesho qofkii noloshaada si dhaba kuula qaybsan lahaa.
8:maxaa sababa in qof, qof kale u ilmeeyo hadii uu ka diido jacaylkiisa?
waxaa aaminsanahay inay sababaan dhaawac iyo dareen culus oo ka soo gaadha qalbiga marka uu ku guul dareysato jacaylka dhabta ah ee uu soo bandhigay.
9:ma jeclaan lahayd in daawo loo helo jacaylka adigu se maxaad daawo uga dhigi lahayd hadii laguu keeno qof jacayl hayo?
waxaa hubaala jacaylku dawadiisu tahay in qof kastaa oo jacayl hayo uu hantiyo qalbiga qofka dagan oo uuna la qaybsado nolosha macaankeen, hadii la ii keeno qof jacayl hayo hadii la ii keeni lahaana waxaan ku dadaali lahaa qofka hantiyey qalbigiisa inaan ku caawiyo siduu ku heli lahaa hadiise aysan dhicin oo aan ku guul daraystana waxaa hubaala inaan ka caawin sidii aan xusuustiisa uga tirtiri lahaa aniga oo ku maaweeliyana waxyaabo uusan marnaba ku soo xasuusan qofkaas.
10:- adiga oo qof jecel hadii wiil ama gabadh kuu yimaadaan kuuna sheegaan in ay jacayl dhab ah kuu hayaan qofka aad jeceshahay kaana codsadaan in aad jacaylkooda tix geliso maxaad sameyn lahayd?
runtii tixgelintu waa wanaagsan tahay laakiin sidaan filaayo ma jiro wax walba oo dhaca qof jacaylkiisa is dhaafin lahaa taana waxaa tusaale inoogu filan cilmi boodhari waxaa helay jacayl dhab ah hodan in dartii loo soo furan way suurto geli weyday.
11:- hadii aad jeclaatid inan/inan misana si lama filaan ah walaasheed/walaalkeed ama inan/inan ka mida ah qoyskeedu/qooyskiisa kuugu soo bandhigato jacayl maxaad sameyn lahay?
waxaan aaminsanahay laabi labo ma leh qofka aan jeclahay marka hore inaan gaarsiiyo jacaylka aan u qabo hadiise ay dhici waydo inaan aqbalo jacaylka la iila yimid.
12:- hadii aad jeceshahay qof misana aad ka baqaysid in aad u sheegto jacaylkaaga maxaad sameyn lahayd?
rayi ahaan anigu waxaan sameyn lahaa waxaan si toos ah ugu sheegan lahaa jacaylkayga qofta aan jeclaaday aniga oo aan qofna u xilsaarin arimaha jacaylkayga.
13:- weligaa qof ma jeclaatay muxuuse ku danbeeyey jacaylkaagu hadii aad sameysay ?
haa waan jeclaaday wakhti xaadirkaana ma aaminsani inaan gacan kusoo dhigi karo waayo meelaha aanu ku kala noolnahay waa meelo loo kala hijroon karo saasooy tahayna wax xiriir la dhaho nagama dhexeeyaan.
mida kale adinka fikirkiina iyo hadii uu jacayl idin soo maray bal nooga faalooda qisadiisa.
14:- ma rumaysantahay jacayl laga sameeyo internet ama telfoon in lagu guulaysto ?
haa waan rumaysanahay waayo waxaa jirta in dunindan wax walba lagu arki karo mana aha wax aad u sii ridan in ay rumawdo waayo horeba waa loo arkay dad ku guulaystay xidhiidhka caynkan ah.
15:- Qof ayaad jeclaatay si xad dhaaf ah markaas ayaad ku tiri la'aantaa qof kale ma guursanayo isna wuxuu kuugu jawaabay maya sidaa ha yeelin waxaa laga yaabaa in aan dhinto ama aynu is weyno qofkaasi ma qof ku jecel baa mise waa qof ku neceb?
waa qof ku jecel wanaagna kula doonaya.
16:- hadii aad tahay qof jacayl hayo ma jiraan heeso ama geeraaro aad adigu nafsad ahaantaada curisay ?
haa waa ay jiraan balse ma ahan kuwo aan wakhti xaadirkaan meeshaan kusoo koobi karo.
bal adinkana ha la idin arko.
17:hadii aad ruux jeclaato oo uu ku yiraaho waxaan jeclahay qof kale ee raali noqo ma sidaas ayaad jacaylkaaga ku deyn lahayd mise waad ku dadaali lahayd sidii aad ku heli lahayd kuna kasban lahayd jacaylkiisa?
waxaa soomaalidu ku maahmaadaa dadaalaa waa gaaraa waxaana haboon in uuna qofku niyad jabin iskuna dayo in uu ku guulaysto jacaylkiisa taa hadaan ka gudbo qofku ma ilaawo jacaylkiisa u horeeyey ilaa uu meel ku hubsado guul ama guuldaro.
No comments:
Post a Comment