Thursday, July 6, 2017

su'aalo iyo jawaabahood jacayl ah

1:- waa maxay jacayl ?

    jacayl waa dareen xanbaarsan guur xalaal ah iyo wada noolaansho raxmo leh oo aan marna lays saluugayn.

2:- waa maxay kalsooni?

     sidaan filaayo kalsooni waa lawada garanayaa waa ta isku keenta laba qof waana tan kugu dhiiri gelisa in aad ruux la sameysid xidhiidh jacayl naftaadana ku aamintid.

3:- waa maxay xishood?

     xishoodku waa shay aad u wanaagsan badanaan qofka xishooda wuu ka dhex muuqdaa dadka kale hadii aan isku dayo inaan ka jawaabo kelmada xishood waa sida tan:-
xishood waa ka sababa in wiilka ama gabadhu sameeyaan jacayl dhab aha waayo dadka qofba qofkuu ka xishood badan yahay ayuu ka heli ogyahay jacaylka dhabta ah iyo nolol wanaagsan.

4:- Maxay dhalin yarada is jeceli u yidhaahdaan la'aantaa ma noolaan karo?

     waxay u yiraahdaan si jacaylkoodu dhadhan iyo daneyn u sii yeesho qofka uu jecelyahayna aanu ka xiiso go'in.

5:- ma marka ka helitaanku yimaado ayuu jacaylku yimaadaa mise marka jacaylku yimaado ayuu ka helitaankuna yimaadaa ?

     su aaashan sidaan filayo waa lawada garanayaa waayo marka ka helitaanku yimaado ayuu jacaylkuna yimaadaa soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa waxay indho arkaan ayey ilko gooyaan.

6: waa maxay dhibaatooyinka lagala kulmo jacaylka?

      dhibaatooyinka lagala kulmo jacaylku maaha wax aynu halkan ku soo koobi karno waxaa tusaale wanaagsan inoogu filan dhaawaca soo gaadha lamaanayaasha is jecel marka ay ku midoobi waaayaan nolosha.

7:- dadka ma ku waanin lahayd in ay jacayl dhab ah sameeyaan?

     haa waan ku waanin lahaa sababtoo ah qof walba wuxuu jecel yahay in uu aabe/hooyo noqdo waxaana lagu gaari karaa in hesho qofkii noloshaada si dhaba kuula qaybsan lahaa.

8:maxaa sababa in qof, qof kale u ilmeeyo hadii uu ka diido jacaylkiisa?

       waxaa aaminsanahay inay sababaan dhaawac iyo dareen culus oo ka soo gaadha qalbiga marka uu ku guul dareysato jacaylka dhabta ah ee uu soo bandhigay.

9:ma jeclaan lahayd in daawo loo helo jacaylka adigu se maxaad daawo uga dhigi lahayd hadii laguu keeno qof jacayl hayo?

     waxaa hubaala jacaylku dawadiisu tahay in qof kastaa oo jacayl hayo uu hantiyo qalbiga qofka dagan oo uuna la qaybsado nolosha macaankeen, hadii la ii keeno qof jacayl hayo hadii la ii keeni lahaana waxaan ku dadaali lahaa qofka hantiyey qalbigiisa inaan ku caawiyo siduu ku heli lahaa hadiise aysan dhicin oo aan ku guul daraystana waxaa hubaala inaan ka caawin sidii aan xusuustiisa uga tirtiri lahaa aniga oo ku maaweeliyana waxyaabo uusan marnaba ku soo xasuusan qofkaas.

10:- adiga oo qof jecel hadii wiil ama gabadh kuu yimaadaan kuuna sheegaan in ay jacayl dhab ah kuu hayaan qofka aad jeceshahay kaana codsadaan in aad jacaylkooda tix geliso maxaad sameyn lahayd?

     runtii tixgelintu waa wanaagsan tahay laakiin sidaan filaayo ma jiro wax walba oo dhaca qof jacaylkiisa is dhaafin lahaa taana waxaa tusaale inoogu filan cilmi boodhari waxaa helay jacayl dhab ah hodan in dartii loo soo furan way suurto geli weyday.

11:- hadii aad jeclaatid inan/inan misana si lama filaan ah walaasheed/walaalkeed ama inan/inan ka mida ah qoyskeedu/qooyskiisa kuugu soo bandhigato jacayl maxaad sameyn lahay?

     waxaan aaminsanahay laabi labo ma leh qofka aan jeclahay marka hore inaan gaarsiiyo jacaylka aan u qabo hadiise ay dhici waydo inaan aqbalo jacaylka la iila yimid.

12:- hadii aad jeceshahay qof misana aad ka baqaysid in aad u sheegto jacaylkaaga maxaad sameyn lahayd?

      rayi ahaan anigu waxaan sameyn lahaa waxaan si toos ah ugu sheegan lahaa jacaylkayga qofta aan jeclaaday aniga oo aan qofna u xilsaarin arimaha jacaylkayga.

13:- weligaa qof ma jeclaatay muxuuse ku danbeeyey jacaylkaagu hadii aad sameysay ?   
 
       haa waan jeclaaday wakhti xaadirkaana ma aaminsani inaan gacan kusoo dhigi karo waayo meelaha aanu ku kala noolnahay waa meelo loo kala hijroon karo saasooy tahayna wax xiriir la dhaho nagama dhexeeyaan.
mida kale adinka fikirkiina iyo hadii uu jacayl idin soo maray bal nooga faalooda qisadiisa.

14:- ma rumaysantahay jacayl laga sameeyo internet ama telfoon in lagu guulaysto ?

      haa waan rumaysanahay waayo waxaa jirta in dunindan wax walba lagu arki karo mana aha wax aad u sii ridan in ay rumawdo waayo horeba waa loo arkay dad ku guulaystay xidhiidhka caynkan ah.

15:- Qof ayaad jeclaatay si xad dhaaf ah markaas ayaad ku tiri la'aantaa qof kale ma guursanayo isna wuxuu kuugu jawaabay maya sidaa ha yeelin waxaa laga yaabaa in aan dhinto ama aynu is weyno qofkaasi ma qof ku jecel baa mise waa qof ku neceb? 

    waa qof ku jecel wanaagna kula doonaya.

16:- hadii aad tahay qof jacayl hayo ma jiraan heeso ama geeraaro aad adigu nafsad ahaantaada curisay ?

     haa waa ay jiraan balse ma ahan kuwo aan wakhti xaadirkaan meeshaan kusoo koobi karo.
bal adinkana ha la idin arko.

17:hadii aad ruux jeclaato oo uu ku yiraaho waxaan jeclahay qof kale ee raali noqo ma sidaas ayaad jacaylkaaga ku deyn lahayd mise waad ku dadaali lahayd sidii aad ku heli lahayd kuna kasban lahayd jacaylkiisa?

    waxaa soomaalidu ku maahmaadaa dadaalaa waa gaaraa waxaana haboon in uuna qofku niyad jabin iskuna dayo in uu ku guulaysto jacaylkiisa taa hadaan ka gudbo qofku ma ilaawo jacaylkiisa u horeeyey ilaa uu meel ku hubsado guul ama guuldaro.

Friday, June 23, 2017

Wadankeygoow waan ku jeclahey laakiin dadkaada ima jecla

Sheeko cajiib ah III
Saakay waxaan kusoo laabtey aqalkeyga kaddib muddo sideed bilood ah oo aan dibad joog ahaa, cirku waa saafi, qorraxduna dhulka dhan ayey ifisay laakiin nafteydu waxey ku jirtaa mugdi.

Labbo sano kahor waxaa weerer lagu soo qaadey xiradii uu adeerkey taliyaha ka ahaa, askartii xirada  ku sugneyd oo  tiradoodu ay dhameyd 20 ayaa mid Walba meel u booday,
Xerada waxaa yaaley qalab aad u muhiim ah waxeyna difaaca hore u aheyd goobo haddii ay gacanta cadowga ku dhacdo ay tahay jab iyo naaso beel.

Dagaal qaraar oo faraha la iskaga gubtey kadib 10 kamid ah ciidanki waxey go'aansadeen in ay ka baxsadaan goobta, 5 waa meyd, 2 na waa dhaawac, adeerkey wuxuu si aan labac labacnimo laheyn uga horyimid taladii aheyd in la baxsado, wax yar kaddib waxaa meeshi kusoo haray adeer labo askari iyo aniga oo markaas aan dagaal iyo qori meel laga maro midna aan aqoon.
Adeer waxaan ku iri meesha aan ka cararno nafteena ayaa halis ku jirta, wuxuu iigu jawaabey kalimad ilaa hadda dhagteyda kaasii shanqareysa, wuxuu yiri "wiilkeygoow maanta wadanka aniga ayuu marti ii yahey haddii aan baneeyo aaggan waan dayacay amaanadi ee ila adkeey amaanada.

Markii ay halkaas mareyso oo afarti jiho nalaga soo dabsaarey ayaan qori Nin meyd ah dul saarnaa aan soo dafay, keebka ayaan farta la helay dhanki cadowgana waan u jeediyey, waan ku mitidney goobtii ilaa ay nimankii dib u gurasho bilaabeen ayaga oo gurmad xagayaga ah ka cabsadey in ay soo dhabar jabiyaan.
Farxad darteed ayaan meel aan is geeyo waayey, waxaan isku soo ag tuurey adeerkeey oo geed hoostiisa difaac ooga jirey mise maba nuuxsanaayo oo xabaddii ayaa halbawlaha jartay.

Meydki ayaan aasney subaxdii, guul weyn ayaan soo hoyiney, waxaana billad sharafeedki qaatey taliye ku xigeenki goobta ka baxsaday, wuxuuna u dalacay janaraal, adeerna meeshaas ayaa lagu iloobey.

Waxaan go'aansadey in aan ku biiro ciidamada xoogga si aan wadankeyga wax u taro, carradi aan aduunka ugu jeclaa in aan ka ilaashado cadowga, iyo in caruurti adeer ka dhintey aan biil joogta ah ugu helo.

Furimaha hore ee dagaal ka waxaan ku jirey muddo 5 bilood ku dhaw, timahayga waxaa dhex siqaysa injir,  wiil dhalaalaayo oo bilicdiisa soo jiidasho leedahay ayaan ahaa, kareemka iyo saliida ugu fiican ayaan ku subkan jirey, maanta qaanjeerta ayaa meel walbo iiga taal, saas ay tahay waxaan dareemayaa Farxad aan lasoo koobi kareyn.

Dhowr cisho kahor waxaan badbaadiyey lamaano is qaba iyo cunugooda, waxaa mar walbo igu soo dhacayey ereyadii adeerkeey oo ahaa "wadanka maanta aniga ayuu marti ii yahey, dhankeyga laga soo gali maayo" .

Dhaawici iga soo gaarey is rasaaseyn cadowga na dhexmartay awgeed lugtii ayaa la jaray, taliyihii guutadeena heystay wuxuu ii sheegey in aan qorigii aan watey ee cuslaa aan iska soo wareejiyo, wiil xoog badanna loo saariyo, intii aan dhaawaca ahaana mishaarki ma iisoo dhicin, mana filaayo in aan heli doono.
Wadankeygoow waan ku jeclahey laakiin dadkaada ima jecla.

W/Q: abdirizak wayel
F.G: sawirka iyo sheekada isma lahan, kumana saabsana wiilka sawirka ka muuqda

shuruudahan ayaa lagu xiray Qadar:


1.Inay xiriirka oo dhan u jarto kooxda Ikhwaanu Muslimiinka oo dalalka kale ee Carabta laga mamnuucay
2.Inay si deg deg ah u xirto xarunta milatariga ee uu Turkiga ka dhisayo gudaha Qadar, xiriirka wadashaqeynta milatari-na ay u jarto dalkaasi.
3.Inay xirto telefishinka Al Jazeera iyo laamaha warbaahineed ee xiriirka la leh.
4.Inay u diido inay dhalasho siiso muwaadiniinta afarta dal ee xiriirka u jartay, kuwa hadda joogana ay dalkeeda ka ceyrsio. Waxay sheegeen in taasi ay horseedi doonto in Qadar aysan faragelin ku sameyn arrimaha daakhiliga ee dalalkaasi.
5.Inay dalalkaasi ku soo wareejiso shakhsiyaadka loo hayssta inay ku kaceen falal argagixisnimo ee dalkeeda ku nool.
6.Inay joojiso maalgelinta kooxaha ay Mareykanku ku sheegay inay yihiin argagixiso.
7.Inay macluumaad badan ka bixiyaan kooxaha mucaaradka ee ay Qadar maalgelisay ee ku kacsan sacuudiga iyo dalalka kale.
8.Inay joojiso maalgelinta kooxaha mucaaradka ku ah dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn.
9.Inay u dhaqanto si waafqasan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalalka ku jira Golaha Khaliijka.
10.Inay joojiso si dadban u maalgelinta warbaahinta sida Carabiya21 iyo Middle east Eye
11.Inay bixiso lacag ganaax ah oo aan la sheegin caddadeeda oo ah magdhawga saameynta ka dhalatay siyaasadaha kahladan ee ay Qadar ku dhaqmeysay muddo sanado ah.
12.Inay 10 maalmood gudahood ku aqbasho dallabaadkan.
13.Inay aqbasho baaritaanno iyo dabagal joogt ah oo lagu eegayo sida ay u fulineyso dalabaadkan bilaha iyo sanadaha soo socdo.

Shuruudahan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu dalalka ay Qadar dariska yihiin ugu baaqay in dalabkoodu uu noqdo mid "sabab leh oo wax laga qaban karo".
Saxafiyiintu waxay sheegayaan in jahwareer uu haysto Maraykanka oo raadinaya siddii uu ku xallin lahaa khilaafkan, taas oo ka dhalatay wakhtiga ay qaadatay in Sacuudiga iyo dalalka kale ay si rasmi ah u soo gudbiyaan

Friday, March 17, 2017

Afsomali About Medical/scientific Terminology


AAnemia
=Dhiig la’aan
Asthma = neef
Arthritis = tuf
Allergy = xajiin/elerji
Abscess =barar
Appendicitis =qabsin-xanun
Accident = shil
Admit = isbitaal seexin, jiifin/hospital dhigid
Admitting officer = madaxa isbitaal jiifinta bukaanka
Ambulatory =bukaan socod
Ampula =cirbad: cirbad
Anesthesia =suuxin
Aseptic = jeermis la’ jeermi dila’
Auxiliary nurse =kalkaaliye caafimaad
Autopsy = Baaritaan lagu sameeyo meydadka siloo ogaado sababtii uu qofku u dhintay.
Abnormal = aan caadi ahayn
Abrasion =xoqdin
Absorb =nuugid/dhuuqid
Acupuncture = cirbad leesku daaweeyo oolaga isticmaalo chinaha
Aerate = neefsiin
Anaphylaxis = Alarjiyo aad u xun
Acid = aashito; aaysiidh
Air = hawo; aaryo.
Aluminum =jaandi; macdan.
Astronomy =cilmiga barashada xidigaha.
Astronaut = cirbixiyeen
Atom = saxarka ugu yar ee maatarka
Allergology
Anthology
Anesthesia
Angelology
Athletic training
Aviation medicine
Bandage =faashad
Bleeding =dhiig bax.
Blood =dhiig
Blood bank =bankiga dhiiga
Blood group =nooca dhiiga
Blood transfusion =dhiig ku shubid
Backache/back Paine =dhabar-xanun
Bilharzias =kaadi-dhiig
Blindness =indha la aan
Burn =gubasho
Blocked airways =margasho
Bend =foorarsi
Bite =qaniinyo
Burn ointment = boomaatada dabka
Bury =duugis
Bacteria =jeermis ilma’aragto ah
Bark =qolofka ama diirka dhirta
Barometer = qalab lagu cabiro cimilada
Beaker =bakeeriga tijaabooyinka
Biology = baay’olaji( cilmiga barashada nafleyda)
Branch = laan
CChills
= gariir/kadiidyo
Cholera = daacuun
Cold =hargab,duray
Cold =qabow
Clotting =xinjirow
Convulsion =sarco
Contagions diseases =cudurada faafa
Corps/body =meyd/
Constipation =dibiryo
Cough =qunfac
Chicken pox = busbus
Capsule = kaabsol
Cardiologist/kaadhiyalajist =dhaqtarka ku taqasusay cudurada cudurada wadnaha.
Catheter = kateetar (tuubo la galiyo xubnaha taranka ee qofka buka)
Case = bukaan
Caesarian section =uurdoox
Circumcision =gudniin (gudniinka caruurta)
Clean =nadiif ah
Clinic = bukaan eegto; kiliinig
Clippers =qalab lagu qabsado faashadaha iyo wixii la mid ah
Communicable disease =cudur leys qaadsiiyo
Crutches =biraha ay ku socdaan curyaamiinta
Cure = daaweyn.
Cut =nabar ama dhaawac
Cotton =suuf
Catarrh = sanboor
Cell = unug
Celsius = sentigreyt
Chemistry =kimistari
Circular motion = socod wareeg
Compound = isku dhis
Condensation =dhadeyn( habka hawo dareere looga dhigo)
Copper =maar; maxaas
Current =qulqul
Curvilinear motion =socod qaloocan
DDrowning
= hanfasho
Diabetes =sonkorow
Diarrhea = shuban
Disease = cudur
Dysuria =kaadi-xanun
Dehydration =fuuqbax
Delivery = dhalid; umulid
Dentist = dhaqtarka ilkaha; dantiiste
Dermatologist =dhaqtarka ku taqasusay cudurada maqaarka
Diagnosis = ogaashada nooca cudurka
Discharge =siideyn sida nabar dheecaan sii daaya.
Doctor =dhaqtar
Drop =goojo
Depression =Niyad jabka
Dense =cuf
Dissolve = milid; qasid
EEpilepsy
=qalal
Electro-cardiograph =qalab lagu cabiro dhaqdhaqaaqa wadnaha
Emergency unit =qeybta gargaarka degdegga (sukoorsada)
Endocrinologist =dhaqtarka qanjirada
Exhale = neefsasho (neef soo tuurid)
Exploratory surgery = qaliin baaritaan ah
Eye glasses =ookiyaale; muraayadaha indhaha
Ear drop = goojo dhego
Earwax =dhuke
Eye drops = goojo indho
Eyeglasses = ookiyaalka aragga
Eye ointment = boomaato indho
Earth = dhul( meeraha ay nu ku noolahay)
Electricity =danab; koronto
Electron =qeyb kamid ah atamka
Element = curiye
Energy =tamar
Enzymes =falgal curiyeyaal
Evaporatio =uumi bax
Examine =baarid
Experiment =tijaabo
FFaint
= suuxdin
Fever =qandho
Flu =hargab/durey
Fracture = jabniin
Fee =ujro (qarashka lagu bixiyo howsh caafimaad ee qofka buka loo qabtay.)
First aid =gargaarka degdega ah.
Funeral = tacsi/duug
Fertilization = bacrimin; carro nafaqeyn
Freeze =qaboojin; barafeyn
Friction = islis; isxoq
GGonorrhea
=jabto
General medicine =daweyn guud
Green stick fracture =tarar (jabniin ay laftu dherer u dilaacdo)
Gynecologist =dhaqtarka cudurada haweenka
Grave =qabri
Gastroenteritis = Bukashada caloosha
Gas = gaas(walax sida neefta oo kale ah)
Gravity =cuf isjiidad.
HHerpes
= is nadaamis
Hernia = sheelo
Hospital =isbitaal
Health insurance = caymis caafimaad
Hematologist =dhaqtarka baara dhiigga
Hemorrhage =dhiig bax
Hospital administrator =maamule isbitaal
Hospital board =guddiga isbitaalka
Heart attack =wadne-xanuun
Headache = madax xanuun
Hemorrhoids =baaba siir
High blood pressure =dhiig kar
Hypertension = isfiilito
Heart beating =wadne garaac
Habitat/ Jaundice/yellow fever =cagaarshow
IInfection
= caabuq
Influenza =ifilo/durey
Injury/wound =dhaawac/daqar
Insomnia =hurdo l’aan/hurdo xumo
Inflammation =barar iyo xanfaf uu sababay jeermis
In hate =neef jiidid (neefsi)
Injection =cirbad/duris
Intensive =xanaanayn sare
Itch =cuncun
Injury of/bullet /shell/shrapnel/rape/rocket =dhawac/xabad/madfac/kufsi/madfac
Injury of /bomb/burn/fire =dhawac/bam/gubad/dab
Injury of /sporadic fire/accident/Failed = wiifto/shil/dhicid/
Inorganic = manoole.
LLaboratory
= sheybaar
Leaf =caleen
Liquid = dareere; hoore
MMeningitis
= cudur maskaxda ku dhaca oo halis ah
Measles =jadeeco
Mental sick = waalan
Mumps =qamow qanshiir
Maternity ward =qaybta umulaha
Medicine = daawo
Medico= = ardayga barta caafimaad.
Menstruation = caado (dhiiga bileedlaha ah ee ku dhaca haweenka)
Menno-pause = xilliga dumarka caadada ka joogsato
Microscope = mikraskoob
Mid-wife = umuliso
Morgue = qaybta meydadka ee isbitaalka
Mammography = naasbaarid
Mask = maasgaraato
Mature = baaluq/qaangaar
M.D = dhaqtar caafimaad
Measure = cabir
Medicare =daryeel caafimaad gaarahaan waayeelka
Medicate = daryeel caafimaad
Medication =daaweyn
Medicine = daawo
Melt = dhalaalid/milmit
Mend = kabid
Membrane =xuubka jirka
Mental hospital = hospitalka maskaxda
Mental sick/mental illness = maskaxda ka jiran
Micro = jeermis ilma aragtaa
Micro-organism =noole aan la arki Karin
Migraine =madax farad
Miscarriage = dhicis
Molestation = faraxumayn galma laxiriira
Mongol =calaan
Morning-after pill =uurdiid
Morning sickness =walaac/jira dumar
Mortuary = qolka maydka
Mosquito net = mara kaneeco/sensenyeeri
Mourn = baroorasho tacsi
Mutilate =naafeyn
Myopia =aragti gaaban
Myrrh =malmal
Murder =dil
Murmur =gunuunac
Madness = waali
Margot =suus
Magic = sixir
Myth = quraafaad
Mainline/slang = druid cirbad daroogo ahaan loo qaato
Malnutrition = nafaqa daro
Mental Distress = Isku-buuqa Maskaxda
Medical Emergencies = Garashada Deg deg caafimaad
Mars = farraarre; mariiq(meeraha afraad ee meerayaashaa)
Mass = cuf( wixii meel maran buuxin kara)
Matter = maatar; maaddo( wax la taaban karo lana arki karo)
Melt = dhalaalin
Mercury = Dusaa; cudaar(meeraha koobaad ee qoraxda ku xiga) 2.curiye macdan ah oo dareere ah
Metal =bir
Mineral = macdan
Mixture = isku jir
Momentum =awoodda dhaqdhaqaaqa
Moon = dayax; bil
Motion =dhaqdhaqaaq;socod
PPain
= xanun
Paralyses = baralays/qalal
Poison = somow
Pulse rate = wadne garaac
Polio = dabayl
Pathologist =sheybaariiste.
Patient = bukaan
Pediatrician = dhaqtarka cudurada carruurta
Pharmacy = farmashiye.
Physician =dhaqtarka daaweynta cudurrada
Pimple = Fin
Prescription = priskripshan/rajeeto
Pulmonary = la xiriira sambabada
Pus = malax; maal
Parkinson = cudurka dadka xasuusta ka lumiya
Pneumonia = oof wareen
Particle =qurub( wax aad iyo aad u yar)
Physics =fiisigis
Planet = meere; sayaariin ( meereyaasha qoraxda ku wareega)
Plants = dhir; geedo
Pluto =buluto
Proton = qeyb ka mid ah atamka
Palliative medicine = daawada dejiska
Pathology = barashada cudurada
Pediatrics = qeybta cudurada caruurta iyo daaweyntooda
Podiatry = dhaqtarka lugaha qaabilsan
Psychiatry = daaweynta cudurada nsakaxda cilmi nafsi ahan
Psychopath = waalan
Paleontology = culuunta barashadda lafaha
Premenstrual syndrome = caado keen, daal,madaxwareer,xanaaqdhawi
NNeedle
=cirbad (mudaca aagooyinka ee wax lagu duro)
Neurologist = dhaqtarka neerfaha
Nurse = kalkaaliye caafimaad
Nose bleeding = san goror
Neutron =qeyb ka mid ah maatarka oo aan danab laheyn
Non-metal = bir ma’ehe
Nucleus = bu’; bu’da; bartamaha
OOculist
= dhaqtarka indhaha
Ointment = boomaato
Operation = qalliin
Operation room =qolka qalliinka
Ophthalmologist = dhaqtarka indhaha
Out patient = bukaan socod
Oral Diabetes Medicines =Daawooyinka afka ee Sonkorowga
Osteoarthritis = Burburka carjaw laabatada/Riix
Osteoporosis = lafa-beel
Orbit =qadka meeruhu ku wareego
Organic = noole
Ovary =ugxanta dumarka
Oxygen = hawo(curiye hawo ah)
RRadiographer
= rajiiste
Remedy =daaweyn
Renal medicine = daawada keliyaha
Rectilinear motion = socod toosan
Reproductive cells =unugyada taranka
Research =cilmi baaris
Respiration = neefsi
Roots =xididdo
Rotary motion = socod waniin
SSyphilis
= bajo/waraabow/isfilito
Swine flue = hargabka shinbiraha
Skin disease = cudurada maqaarka
Smallpox = furuq
Sore throat = cune xanun
Sting (bite) =qaniinyo
Sprain = murgacasho
Sneeze = sanboor
Stomach pain =calool xanuun
Swelling = barar
Saliva =candhuuf
Sanitarium =isbitaal lagu daweeyo dadka wadnaha ka jirran
Scissors = maqas
Scratch = xoqid
Semen = shahwo; manni (biyaha ragga)
Shift = is beddel
Skin = maqaar
Skin graph =qalliin qeyb maqaarka kamid ah lagu sameeyo
Skin test = tijaabo maqaarka lagu sameeyo
Solution =faleebbo
Sputum =xaako
Sterile =jeermiska laga dilay
Stethoscope =qalabka uu dhaqtarku dadka ku wiisiteeyo ee uu dhegaha surto
Stool = saxaro; saami
Surgeon =dhaqtarka qalliinka
Surgery = qalliin
Suspension = qasid (sida sharoobbo budo ah oo la qaso)
Swallow =liqid; laqid
Syringe = sirongo
Syrup = sharoobbo
Skeen mark/birth mark = bar
Stroke = faaliga/ cudur halis ah
Safe = Galmada ammaanka ah
Satellite = dayaxgacmeed
Saturn =raage;saxal(meeraha lixaad)
Science =seynis; cilmi
Scientist = seynisyahan.
Siphon =tubo weel wax uga nuugid
Soil = carro ; ciid
Solar =soolar
Solid =adke(shey adke ah)
Solidification = adkeyn( shey adke ka dhigid)
Solvent =mile( maaddo wax lagu qasi karo)
Solute = milme
Solution =milan(wax isku milan, qoosh)
Space =hawada sare
Spaceship = also spacecraft, dayaxgacmeed
Sperm =shahwo( manida ragga)
Star =xiddig
Static electricity =danabka neg
Steam =bukhaar; uumi.
Stream =waadi; killi biyo mareen ah
Sublimate =adke uumi kadhigid
Sun =qorrax; orax
TTuberculosis
= TB/qaaxo
Tumor = feex
Tablet = kaniin, kaniini
Tear = illin
Twin = mataano
Tetanus = teetano
Typhoid fever = qandhada tiifoow
Tortured = jirdil
Traditional mark = calaamad dhaqameed/sumad dhaqan ah
Temperature =heerkul
Test =tijaabo
Test tube =dhululubo dhalo ah oo laga isticmaalo sheybaarrada
Thermometer =heer kulbeeg
U
Urine = kaadi
Ulcer (gastric) = gaastirig
Urinary tract infection =infakshanka/caabuqa kaadi mareenka
Uranium = curiyaha yuraaniyamka ee laga sameeyo qumbuliduriyaha
VVomiting
= mantag
Vaccination = tallaal
Vital sign = cabiraat
Voluntary hospital = isbitaal gaar ah oo kharash la’aan bukaanka lagu daweeyo
Venus = meeraha labaad ee ku xiga qoraxda
Volume = xaddi; mug
Vapour =uumi; bukhaar
Velocity = xawaare; keynaan
WWart
= buro
Whooping cough = xiiq dheer
Worms = gooryaan
Ward =Ribaarto, qayb isbitaal
Wound = dhaawicid / dhaawac, nabar
X-ray = raajo

Writer and translator Bashir Abdule Egale

 

Wednesday, February 15, 2017

Buugii Uu Qoray Farmaajo Ee Qabiilada Uu Ku Aflagaadeeyay {Qabyaaladiiste Hogaan Ma Noqon Karaa}

Maxamad C/laahi Maxamad Farmaajo ayaa 2009-kii wuxuu qoray buug loogu gefay dhamaan madaxdii soo martay dalka Soomaaliya, iyo qaar ka mid ah qabaa’ilka Soomaalida, kuwaas oo uu ka qoray waxyaabo ay ka xishoodeen xittaa inay qoraan dadka ajaanibta ah ee Soomaaliya wax ka qora.

Madaxdii Soomaaliya soo martay, sida Aden Cabdulle Cusmaan, C/rashiid Cali Sharmarke, Maxamad Siyaad Barre, Cabdullaahi Yuusuf ayuu mid kasta ka qoray waxyaabo madaxdaas ka sokoow sumacad xumo u keenaya Soomaalida.

Sidoo kale qaar ka mid ah Qowmiyadaha Soomaalida oo ay ka mid yihiin Hawiye, Isaaq, Digil iyo Mirifle iyo qabiilka Majeerteenka ayuu ka qoray iyagana wax u muuqda ceebayn iyo aflagaaddo.

Madaxweyne Aden Cabdulle Cismaan iyo C/rashiid Cali Sharmarke ayuu ku tilmaamay kuwa Gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaanigu wateen oo madax ka dhigeen, sababtana wuxuu ku macneeyaya xiriir labadooda qabiil Mudulood iyo Majeerteen ay la lahaayeen Gumaystaha Talyaaniga oo uu sheegay inay gacan ku siiyeen qabsashadiisii Soomaaliya iyo joogistiisii, Halka Isaaqna ay gacan siiyeen Ingiriiska, sidaasi darteed ayuu sheegay in loogu abaal guday in saddexdaas beelood ay hormuud u noqdaan Soomaalida oo ay horsocdaan, wuxuuna intaas raaciyay inay weligood ahaayeen talo wadaag.
Wuxuu sheegay in Mudulood, Isaaq iyo Majeerteen siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo cilmi ahaan ay ka dhiseen Gumaystihii Ingiriiska iyoTalyaaniga, isagoo farta ku fiiqay in beelahaas oo dhan waxbarasho iyo deegaan loogu qaadi jiray London iyo Talyaaniga, sidaasna ay ku ahaayeen kuwa dadka ka madaxyo fiiqan, oo siyaasad ahan iyo dhaqaale ahaanba ka dhisan markii loo eego beelaha kale ee Soomaalida, waxayna ahayd ayuu yiri abaal gudkii wada shaqayneed ee ay layeesheen Gumaysiga.
Wuxuu xusay in Siyaasadda Soomaaliya aysan ku dhisnayn awood wadaag iyo talo qaybsi, laakiin taas bedelkeeda ay ku salaysnayd qorshe gumaytuhu uga tegay beelahaas oo ahaa “qoladii Hogaanka haysa ayaa wax kasta iska leh”, isagoo carabka ku dhuftay in arrintaas ay ka goows adaygeen Mileterigii dalka afgambiyay ee uu hogaaminayay Madaxweyne Siyaad Barre.

Wuxuu sheegay in Beelihii Gumaystuhu ka sara mariyay kuwa kale ay isla markiiba qoonsadeen kacaankii, sababtoo ah waxay waayeen wixii ay haysan jireen, sidaas darteed waxay kalliftay in Siyaad Barre, uu la dagaalo oo Xasuuq Ba’an u gaystay Qabiilka Hawiyaha, Isaaq iyo Beesha Majeerteen, sababta wuxuu ku sheegay in Majeerteenku Daaroodka Hor socdeen, Muduloodkuna Hawiyaha, Isaaq-na kaligood socdeen, laakiin ay ka midaysnaayeen la shaqayntii Gumaysiga iyo Horsocoshadii beeelaha kale ee uu u sahlay gumaysigu.

Siyaad beelaha uu la dagaalay waxay ahaayeen kuwii gumaysigu hogaanka ku ilaalinayay, mid ka mid ah sababaha ugu wayn ee dagaalka ka dhex dhaliyay iyaga iyo dowladdii Siyaad Barre ayuu ku sheegay inay ahayd, iyadoo labadii dowladood ee Aden Cadde iyo Sharmarke, Shaqooyinka ugu badan iyo xilalka dowladda ay madaxda ka ahaayeen dadkii gumaysigu wax baray ee ka mid ahaa beelahaas Isaaq, Hawiye iyo Majeerteen, sababo la xiriira Gumaysiga oo ay ku daabnaayen oo dhinac kasta ka hormariyay aqoonta iyo maamulkaba.

Wuxuu xusay in Siyaad Barre, dagaalkii uu lagalay Qabaa’ilka Hawiyaha, Isaaq iyo Beesha Majeerteen uu keenay inuu cadow badan ku yeesho gudaha Soomaaliya, sidaasi darteed, wuxuu ku fikiray inaysan sii kordhin mucaaradkiisa oo uusan ku faafin beelo kale, markaas ayuu dalka Soomaaliya Geliyay buu yiri dagaalkii Itoobiya oo ahaa mid aan loo baahnayn, si uu ugu mideeyo dadka aan beelahaas ahayn.

Waxaa kaloo uu sheegay in Dagaalkaas dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya ciidankii Soomaalida lagu jebiyay, ayna noqdeen, mid dhintay, mid dhaawacmay, iyo mid Itoobiya qabatay, intii kasoo hartay qaar Saraakiishii mileteriga ka mid ahaa ayaa dhabarka ka toogtay, halka koox kale oo u badnaa Majeerteen iyo Isaaq ay u galeen dalkii lala dagaalamayay ee Itoobiya, waxaana hormuud u ahaa ayuu yiri C/llaahi Yuusuf Axmad oo ka soo jeeda Majeerteen, isla markaana diidanaa xukunka aysan majeerteenku hormuudka ka ahayn.

Shirkii Soomalida loogu qabtay Kenya 2004-tii, ayuu qoraalkiisa ku sheegay inay garwadeen ka ahaayeen, Itoobiya iyo Kenya, waxayna saxiibbo badan ka sameysteen ayuu yiri qabiilaadkii Gumaysiga la shaqayn jiray iyo beelo kale, iyagoo dano badan oo siyaasadeedna ka lahaayeen dalalkaasi wadanka Soomaaliya, sidaas darteed aad ayay ugu dhex jireen oo u garanayeen xisaabta qabaa’ilka ka dhexeysa ayuu ku yiri buugiisa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadkii halkkaas isugu tegay oo ay hormuud u ahaayeen Hogaamiye kooxeedyo u badan Hawiye iyo Daarood, gaarahan Majeerteen loo sahlay inay iyagu sameeyaan Baarlaman ku dhisan 4.5 kaas oo awoodda siinayay qabiiladaas, waxayna isla markiiba hogaankaas u dhiibeen Cabdulaahi Yuusuf oo isaguna magacaabay Cali Geedi, waxaana xisaabta loo celiyay ayuu yiri halkeedii hore ee markii gumaysigii Talyaaniga iyo Ingiriiska joogeen oo ay Soomaalida hor socdeen Majeerteen iyo Mudulood, wuxuuna Cabdallaahi Yuusuf dowladdii la tegay buu yiri Jowhar oo ah magalo yar oo uu ku badan yahay qabiilka Cali Geedi.

Buugaas wuxuu ka koooban yahay 4 qaybood oo ka hadlaysa wax yaabo aad u tiro badan, wuxuuna ugu magac daray, Hammigii Maraykanku ka lahaa Soomaaliya laga soo bilaabo dagaalkii qaboobaa ilaa iyo kii argagixiso ladagaalanka, buugaas oo xasaasiyad badan ka kiciyay Soomaalida dhexdeeda, waxaa inuu daboolo ceebtiisa isku dayay oo qari waayay madaxweyne Shariif Sheikh Axmad uu markii uu Baarlamaanka tegay dorraad ee ka hadlay buugaas iyo inuusan macno wayn ku fadhin qaylo iyo sawaxan lagu kala tegay

45 Important facts about HUMAN body


1.Number of bones - 206
2.Number of muscles - 639
3.Number of kidneys - 2
4.Number of milk teeth - 20
5.Number of ribs - 24 (12 pairs)
6.Number of chambers in the heart - 4
7.Largest artery - Aorta
8.Normal Blood pressure - 120 - 80
9.Ph of blood - 7.4
10.Number of vertebrae in the spine - 33
11.Number of vertebrae in the Neck - 7
12.No of bones in middle Ear - 6
13.Number of bones in Face - 14
14.Number of bones in Skull - 22
15.Number of bones in Chest - 25
16.Number of bones in Arms - 6
17.Number of bones in each human ear - 3
18.Number of muscles in the human arm - 72
19.Number of pumps in heart - 2
20.Largest organ - Skin
21.Largest gland - Liver
22.Smallest cell - Blood cell
23.Biggest cell - Egg cell (ovum)
24.Smallest bone - Stapes
25.First transplanted organ - Heart
26.Average length of small intestine - 7 m
27.Average length of large intestine - 1.5 m
28.Average weight of new born baby - 2.6 kg.
29.Pulse rate in one minute - 72 times
30.Body Temperature - 36.9o C (98.4o F)
31.Average blood volume - 4 - 5 liters
32.Average life of RBC - 120 days
33.Pregnancy period - 280 days
34.Number of bones in human foot - 33
35.Number of bones in each wrist - 8
36.Number of bones in hand - 27
37.Largest endocrine gland - Thyroid
38.Largest lymphatic organ - Spleen
39.Largest cell - Nerve cell
40.Largest part of brain - Cerebrum
41.Largest & strongest bone - Femur
42.Smallest muscle - Stapedius (Middle ear )
43.Number of chromosomes in human cell - 46 (23
pairs)
44.Number of bones in New born body - 300
45.Largest muscle - Buttock (Gluteus Maximus)

Sunday, January 29, 2017

Ayow My best friends

Waan ka xumahay waxii ku dhacay

Waxaa maanta la xukumay kuwii xumeeyay walaasheen  waana ku farxay aniga markaan maqlay xukunka lkn waxaan rabay in video laiiga duubo markii karbaasha lagu garaacaayay si aan ugu raaxeysto   xanuunka korkooda gaaraya  inkastoo aan Rabay in lagu fuliyo xukunkaan xukun ka adag .

Xukunkana sidaan ayuu udhacay 

1-Shirwac Jamac Junle: 200 oo jeedal, 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.
2-Yaasir Maahir Xaashi, 200 oo jeedal, 8 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.
3-Ayaanle wale, 100 jeedal, 7 sano oo xarig ah, ganaax lacageed.
4-Yaxye Awkax, 100 jeedal, 6 sano oo xarig ah, ganaax lacageed.
5-C/risaaq Xoosh Jibriil, 100 jeedal, 5 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

Magacyada musharaxiinta la  diiwaangeliyay

1.Shariif Sheekh Axmed
2.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
3.C/qaadir Cali Cosoble
4.Maxamed C/laahi Maxamed
5.C/raxmaan C/shakuur Warsame
6.Jibriil Ibraahim Cabdulle
7.Xasan Sheekh Maxamuud
8.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
9.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
10.C/naasir Maxamed Cabdulle
11.Cali Xaaji Warsame
12.Saciid C/laahi Dani
13.Maxamed Maxamuud Culusow
14.C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole)
15.Saciid Ciise Maxamuud
16.Bashiir Raage Shiiraar
17.C/laahi Ciilmooge Xersi
18.C/laahi Cali Gees