Sheeko cajiib ah III
Saakay waxaan kusoo laabtey aqalkeyga kaddib muddo sideed bilood ah oo aan dibad joog ahaa, cirku waa saafi, qorraxduna dhulka dhan ayey ifisay laakiin nafteydu waxey ku jirtaa mugdi.
Labbo sano kahor waxaa weerer lagu soo qaadey xiradii uu adeerkey taliyaha ka ahaa, askartii xirada ku sugneyd oo tiradoodu ay dhameyd 20 ayaa mid Walba meel u booday,
Xerada waxaa yaaley qalab aad u muhiim ah waxeyna difaaca hore u aheyd goobo haddii ay gacanta cadowga ku dhacdo ay tahay jab iyo naaso beel.
Dagaal qaraar oo faraha la iskaga gubtey kadib 10 kamid ah ciidanki waxey go'aansadeen in ay ka baxsadaan goobta, 5 waa meyd, 2 na waa dhaawac, adeerkey wuxuu si aan labac labacnimo laheyn uga horyimid taladii aheyd in la baxsado, wax yar kaddib waxaa meeshi kusoo haray adeer labo askari iyo aniga oo markaas aan dagaal iyo qori meel laga maro midna aan aqoon.
Adeer waxaan ku iri meesha aan ka cararno nafteena ayaa halis ku jirta, wuxuu iigu jawaabey kalimad ilaa hadda dhagteyda kaasii shanqareysa, wuxuu yiri "wiilkeygoow maanta wadanka aniga ayuu marti ii yahey haddii aan baneeyo aaggan waan dayacay amaanadi ee ila adkeey amaanada.
Markii ay halkaas mareyso oo afarti jiho nalaga soo dabsaarey ayaan qori Nin meyd ah dul saarnaa aan soo dafay, keebka ayaan farta la helay dhanki cadowgana waan u jeediyey, waan ku mitidney goobtii ilaa ay nimankii dib u gurasho bilaabeen ayaga oo gurmad xagayaga ah ka cabsadey in ay soo dhabar jabiyaan.
Farxad darteed ayaan meel aan is geeyo waayey, waxaan isku soo ag tuurey adeerkeey oo geed hoostiisa difaac ooga jirey mise maba nuuxsanaayo oo xabaddii ayaa halbawlaha jartay.
Meydki ayaan aasney subaxdii, guul weyn ayaan soo hoyiney, waxaana billad sharafeedki qaatey taliye ku xigeenki goobta ka baxsaday, wuxuuna u dalacay janaraal, adeerna meeshaas ayaa lagu iloobey.
Waxaan go'aansadey in aan ku biiro ciidamada xoogga si aan wadankeyga wax u taro, carradi aan aduunka ugu jeclaa in aan ka ilaashado cadowga, iyo in caruurti adeer ka dhintey aan biil joogta ah ugu helo.
Furimaha hore ee dagaal ka waxaan ku jirey muddo 5 bilood ku dhaw, timahayga waxaa dhex siqaysa injir, wiil dhalaalaayo oo bilicdiisa soo jiidasho leedahay ayaan ahaa, kareemka iyo saliida ugu fiican ayaan ku subkan jirey, maanta qaanjeerta ayaa meel walbo iiga taal, saas ay tahay waxaan dareemayaa Farxad aan lasoo koobi kareyn.
Dhowr cisho kahor waxaan badbaadiyey lamaano is qaba iyo cunugooda, waxaa mar walbo igu soo dhacayey ereyadii adeerkeey oo ahaa "wadanka maanta aniga ayuu marti ii yahey, dhankeyga laga soo gali maayo" .
Dhaawici iga soo gaarey is rasaaseyn cadowga na dhexmartay awgeed lugtii ayaa la jaray, taliyihii guutadeena heystay wuxuu ii sheegey in aan qorigii aan watey ee cuslaa aan iska soo wareejiyo, wiil xoog badanna loo saariyo, intii aan dhaawaca ahaana mishaarki ma iisoo dhicin, mana filaayo in aan heli doono.
Wadankeygoow waan ku jeclahey laakiin dadkaada ima jecla.
W/Q: abdirizak wayel
F.G: sawirka iyo sheekada isma lahan, kumana saabsana wiilka sawirka ka muuqda